WARBIXIN KU SAABSAN RUGTA GANACSIGA IYO WARSHADAHA JUBALAND JCCI -KISMAYO OO GOOR DHOW U DABAAL DAGI DOONTA SANAD GUURADII 5 AAD EE AASAASEEDA

abdab

Rugta Ganacsiga iyo warshadaha jubaland (JCCI), waxaa la aasaasay taariikhdu markay ahayd 2012, asaasida jcci waxaa ka danbeeyay markii ganacsatada reer Jubaland ay garwaaqsadeen islana meel dhigeen baahida  ganacsatada reer Jubaland u qabaanin ay helaan hanaankii kala gahi lahaa iyo nidaamkii ay kuwada shaqeynlahayeen iyo Rug Ganacsi oo ey ku wada midaysan yihiin, taas oo matasha sidoo kalena xalisa baahidooda kala duwan una adeegto dhamaan shacabka Jubaland ku dhaqan .

 

UJEEDOOYINKA LOO AASAASAY JCCI WAA:-

Horumarinta Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Jubaland.

Difaacida xaquuqaha ganacsatada reer Jubaland.

Uraadinta suuq xor ah iyo maalgelin.

Ka talo bixinta kheyraadka Jubaland iyo maalgashiga caalamiga ah.

  •  HIIGSIGA JCCI.
  1. Hiigsiga mustaqbalka Rugta waa soo saarida bulsho waxter iyo wax soo saar leh, isku filan kuwaas oo ku noolaada, barwaaqo iyo nabad galyo waarta, ganacsi iyo dhaqaale xor ah awoodna  leh,  taas oo gundhigeedu yahay mabaadiidu tahay.
  2. Guul, Daacadnimo, Kalsooni, Garasho, Hal-Abuur, Run, Dulqaad, Xikmad, daganaan iyo isla xisaabtan Hufan.
  • WAX QABADKA RUGTA GANACSIGA IYO WARSHADAHA JUBALAND (JCCI).
  1. ARIMAHA GUDAHA
  • Waxay kaalin lixaad leh ka qaadatay shirkii lagu aasaasay Jubaland oo socday mudo dhan 9 bilood.
  • Waxay qeyb lixaad leh ka ahayd dhamaan shirarkii dib-uheshiisiinta ee ka dhacay Jubaland.
  • Waxay dayactir ku samaysay qaar ka mid ah xarumaha Dowlada Jubaland kuwa ugu muhuumsan sida madaxtooyada, bangiga dhexe iyo xarunta barlamaanka.
  • Waxay dhistay maalgalisayna xarunta shirarka lagu qabto ee DAAWAD.
  • Waxay Hirgalisay  lahaanshiyaha in Dowlada Jubaland yeelato TV.
  • Waxay had iyo jeer la garab taagan tahay dowlada Jubaland taageero dhaqaale, farsamo.
  • Waxay ku guulaysatay inay soo afjarto ereygii caanka ahaa ee KUUSI ama bad-xidhan iyadoo keentay shirkada labaad oo ugu wayn shirkadaha xamuulka iyo ganacsiga aduunka (MSC), abuurtayna fursado shaqo iyo mid ganacsi oo ay arintaas sabab u ahayd.
  • Midaynta Ganacsatada .
  • Hufidda ganacsiga iyo waafajinta sharciyada .
  • Taakulaynta masaakiinta .
  • Abuurista gudiyada abaaraha .
  • Ka tala-bixinta maamul suuban iyo dawlad-wanaag .
  • Ka shaqaynta soo jiidashada Maal gashadayaasha
  • Waxay keentay Shirkada SMART Technologies oo adeegeeda ay ka faa,iidaysteen hay,ado badan oo dowlada Jubaland ah.
  • Waxay dhiiri galisay in ganacsto badan wadanka yimaadaan maalgashadaana.
  • Kor-uqaadista aqoonta ganacsatada .
  • Furista Maxjarjka Jubaland.
  1. Dhinaca Arimaha bulshada
  2. Waxay wax ka qabatay
  3. Taageeriga iyo la shaqaynta Dowlada hoose ee Degmada Kismayo sida,
  4. Nadaafada, soo celinta bilicda magaalada.
  5. Taageerida iyo la shaqaynta ururka haweenka, dhalinyarada, kooxaha fanka iyo sugaanta, ispoortiga, iyo is dhax galka bulshada.
  6. Taageerida iyo la shaqeynta Culumaa,udiinka Jubaland .
  7. Wax ka qabadka Abaaraha iyo ka hor taga nabaadguurka.
  8. Kobcinta ganacsiga yar yar ka ah iyo bixinta Micro Finance. Iyadoo ay arintaasi ka faa,iidaysteen  ganacsato dumar u badan oo reer Jubaland ah.
  9. Dhinaca Xiriirka caalamiga ah
  10.  
  11. Waxay xoojisay xiriirka ganacsi ee Arimaha Dibada, iyadoo heshiisyo ganacsi la soo kala gashay (MOU) wadamada dariska ah gaar ahaan Rugaha Ganacsi ee ku yaala dalalka ,Imaaraadka Carabta, Turkiya, Qatar, China, Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti.
  12. Sidoo kale waxay xiriir la leedahay hay,adaha Caalamiga ah sida, UN, Agencies, USAID, SSF, World bank, Islamic Bank I iyo Hay,adaha kale oo fara badan
  13. Rugta Ganacsiga. Waxay ka qayb gashay Shirar caalami ah oo ka kala dhacay wadamada caalamka, iyadoo la soo sameeysay xiriiro ganacsi waxaana ka mid ah:-
  • Shirkii Saudi & Wadamada Geeska Africa 2013.
  • Shirkii Fursadaha Ganacsiga Somaliya ee Sweden 2013.
  • Shirkii Caalamiga ee Cadan FTZ 2014.
  • Shirkii Istanbul ee Ganacsatada Soomaalida 2014.
  • Shirkii Rugaha Ganacasiga Wadamada Carabta iyo Hindiya 2014.
  • Shirkii Kobcinta Dhaqaalaha Somaliya ee Jabuuti.2014
  • Shirkii Maxjarada iyo ka hortaga cudurada faafa eek a dhacay Dubai goob joogna ay ka ahaayeen wadamada geeska Africa iyo miidle east 2015.
  • Shirkii Maalgashiga ee Istanbuul oo ay ka wada qayb galeen Wasaarada
  1. Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland iyo Rugta ganacsiga 2016.
  • Shirkii China ee Rugaha Ganacsiga Africa iyo Rugta Ganacsiga ee China oo labo jeer 2016
  • Shirkii Rugta Ganacsiga ah ee Dowlada Qatar iyo Rugta Ganacsiga Jubaland Kaas oo lagu soo kala sixiixday mashaariic faa,iido u leh reer Jubaland 2016.
  1.  7)        MAXAY TAHAY  HIMILADDA (J C C I ) ?
  2. download
  3. -n ay hantiilayaashu fahmaan khayraadka dalkeena islamarkaana ay maal-gashadaan  si loo gaaro Hor umar Dhaqaale, Shaqo Abuuris, Sicir Baraka oo hoos u dhaca ,
  4. – Kor u qaadista wax soo saarka, iyo dhoofka kheyraadka Jubaland.
  5. – Kor u qaadista iyo soo dajinta warshado yar yar iyo kuwo dhexe.
  • SOO DHOWAYNTA MAAl-GASHIGA :
  1. Rugta Ganacsiga & Warshadaha Jubaland (JCCI) waxay soo dhowaynaysaa dhammaan tala-bixinta ku saabsan horu marinta Ganacsiga .Sidoo Kale waxaan soo dhowaynaynaa ka faa,iidaystayaasha danaynaya khayraadka  Jubbaland iyo guud ahaanba dalkeena Somaaliya .
  • BAAQA RUGTA GANACSGA IYO WARSHADAHA  (J C C I) :
  1. Rugata Ganacsiga iyo warshadaha Jubaland, (JCCI)  waxay baaq u diraysaa dhammaan hantii-layaasha dunida gaar ahaan kuwa danaynaya ka faa,iidaysiga khayraadka dabiiciga ah.
  2. Rugtu waxay taageeraysaa dhammaan wadooyinka nabadaynta : beelaha ururada iyo ladagaalanka fikirada qaldan .
  3. Waxa ay cadaynaysaa Rugtu inay furantahay maanta fur,sado waaweyn oo u baahan ka faaiidaysi .
  4. Madaxa Xaffiska Maalgashiga
  5. RUGTA GANACSIGA IYO WARSHADAH JUBLAND (JCCI ) XARUNTA GUUD EE KISMAYO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *