WAJIGII SADAXAAD EE TABABARIDA GANACASATA YAR YAR AH OO KA BILOWDAY MAANTA XARUNTA RUGTA GANACSIGA IYO WARSHADAHA JUBALAND.

DSC00256Waxaa maanta oo sabti ah kuna aadan January 21, 2017 ka bilowday xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland – Kismayo,  wajigii sadaxaad ee tababar dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga loogu sameynayo xubno ganacsto reer Jubaland ah oo ka kooban  15 xubnood oo iskugu jira Rag iyo Dumar, tababarkaas oo socon doona 5 maalin.

 

Seminaarkan waxaa gacan naga siiyay Hay,ada America Refugee Committee (ARC), xarunteeda magaalada Kismayo.

 

Ganacsatada waxyaabaha ay baran doonaan waxaa kamid ah.

 

  • Qaababka loo Kobciyo ganacsiga yar yar ka.
  • Xiriirka ay la yeeyihiin Dowlada Jubaland iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha.
  • Sida loo diyaariyo qaababka xisaabaadka ganacsiga.
  • Qaababka maalgashiga yar yar ka ah (Micro Finance).
  • Daraasada suuqyada lagu sameeyo.
  • Iwm

 

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland, waxaa ka go,an sanadkan 2017 inuu noqdo sanadkii maalgashiga ama ha ahaado maalgashiga dhinaca  ganacasiga yar yar ka ah ama maalgashiga warshadaha  yar yar ka ah si loo abuuro koboc dhaqaale,  shaqo abuur iyo la dirirka saboolnimada.

 

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland

Xafiiska Maalgashiga

 

DSC00256 DSC00257 DSC00258 DSC00261 DSC00262 DSC00264

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *