News

Faalo; sida loo dhiso karo dhaqaale xoogan iyo waxa la gudboon maamulada kajiro wadanka

axad, Apriil 12, 2015, —-Dawlad kasta waxa ay leedahay qorsho u gaar ah oo ku aadan dhisida dhaqaale xoogan oo wax tar leh taas oo u baahan dadaal dheer iyo khibrad ama aqoon, hadabo waxaan halkan idin ku soo gudbinayaa maqaal gaaban kaas oo aan isleeyahay waxa uu hormuud uiyo tusaale unoqon karaa maamulada kajiro wadanka khaasan maamulkeena jubaland.

Siyaasada ugu muhiimsan marka laga reebo siyaasada amniga waa tan horumarinta Dhaqaalaha oo asaas u noqata jiritaankeeda iyo jiritaanka bulshadaba, waana siyaasada ay ka hesho dakhliga ay u baahan tahay, bulshaduna ku ixtiraanto caalamkuna ku soo hirto waxayna xiriir la leedahay kalsoonida laga qabo dawladaasi ama shacabkeeda ha ahaato ama dunida inteeda kale hala haatee, waxayna noqotaa sharciyada ugu muhiimsan ee ay dawladu ku taagan tahay.

Hadaba maxay tahay siyaasada dhaqaale ee dawladi raacdo si ay jiritaankeeda u xaqiijiso, shaqadeedana u qabsato dadka iyo caalamkuna ugu bogaadiyaan, una aaminaan una maal gashadaan,

Su,aashaas jawaabteedu waxay noqon kartaa laba siyaaso oo caalamka aad looga yaqaano oo kala ah :

Fiscal Policy. (Siyaasad maaliyadeed)
Monetary Policy . (Siyaasad Lacageed)

Fiscal Policy : (Siyaasad Maaliyadeed)

Waa siyaasad maaliyadeed oo ay dawladu iyada naf ahaanteeda shaqadii dhaqaale qabanaysa abuuraysana shaqooyin si loo yareeyo shaqa la,aanta waxayna dhisaysaa wadooyinkii, iskooladii, isbitaaladii, beerihii, warshadihii, ganacsigii didaba, iyo wixii la mid ah waxaana loo yaqaanaa afka qalaad (Infrastructure) .

Dawladu marka ay siyaasadaas samaynayso waxay rabtaa inay kor u qaado kobacii dhaqaalaha, iyo inay kasbato kalsoonida bulashadeeda iyo caalamkaba waxayna qabanaysaa shaqadii dowlad lagu yaqaanay, hadaba su,aasha meesha taala waxay tahay hadii ay dawladu raacdo siyaasada loo yaqaano Siyaad maaliyada (Fiscal Policy ) Xagee bay ka keenaysaa kharashka mashaariicdaa lagu fulinayo, akhristow waxaan jawaabtaas ku soo koobi karnaa sidan hoos ku qoran :-

Kor uqaadis Canshuur (Increasing Tax level).

Kadib dawladu markii ay u gaato mashaariicda ay rabto inay fuliso kharshka ku baxaya, qayb kharashkaas ka mid ah waxay u qoondaynaysaa inay ka hesho canshuuraha oo ay kor ugu qaado dhamaan dadka shaqeeya mushaaraadkooda canshuuraha ay ka bixiyaan , shirkadaha ganacsiga dakhligooda, ganacsatada yar yar ta ah ganacsigooda iyo meel kasta oo canshuur laga qaadi karo si loo daboolo siyaasadaas ay dawladu damacsan tahay, canshuur kor uqaadistaasina waxay soconaysaa inta ay dawladu ka helayso qiimihii ay ugu tala gashay mashaariicdaasi ee kaga aadanayd dhanka canshuuraha, kadibna canshuurtaasi dadka waa laga daynayaa .

Treasury Bills ( biilasha khasaanada).

Dawladu waxay soo saaraysaa shahaadooyin la iibasado oo maal gashi aana khasaare lahayn (free risk), waxayna u qoondaynaysaa intii kaga aadanayd kharashka maashaariicdaasi shahaadooyin maal gashi waxayna shahaadooyinkaas ganacsi ka kooban yihiin sadax qaybood :-

Shahaadooyin maal gashi oo ah 10 sano iyo ka badan ,(Bond).
Shahaadooyin maalgashi oo ah sanad ilaa 10 sano , (Notes).
Shahaadooyin maalgashi oo ah bil ilaa sanad ( Treasury Bills).

Waxay Dawladu amaah ama kaalmo waydiisan kartaa dawlada ay saaxiibada yihiin si siyaasadasi ugu hir gasho dawladu, ugu danbays wixii ka dhima kharashkaasi waxay dawladu amaah waydiisan kartaa WORLD BANK, oo badanaaa dawladaha ka kaalmeeya siyaasada loo yaqano Fiscal Policy.

Raacitaanka ay dawladi raacdo siyaasadaas waxay so af meeraysaa shaqo la,aantii dadka haysatay, waxayna kor u qaadaysaa wax soo saarkii , sidoo kale waxay soo afmeeraysaa cuduro bulsho oo fara badan oo ay shaqa la,aantu iyo dhaqaala xumidu keentay.

Monetary Policy : ( lacag baabicis),

Waa siyaasad ay raacdo dawaladu marka ay shaqayn waydo siyaasadii hore ay ahayd Fiscal Policy, xikmada ay siyaasadan ku fadhido waxaa weeye in dowladu ay soo daabacato lacag taas macnaheedu ma ahan in ay dowladu lacagtaas mushaaro ku bixiso ama dadka u qaybiso ama madaxda dawladu ay jeebka ku shubtaan, balse xikmada ka danbaysa waxay tahay, in dawladu lacagtaasi amaahiso bangiyada (si bangiyadu u maal gashadaan lacagtaas oo dadka ganacsiga yar yarka ah leh loo amaahiyo) iyo ganacsatada waawayn ee wax soo saarka leh si bangiyadaas iyo ganacsatadaas warashada leh ay u qabtaan shaqaadii ay dawladu qaban lahayd si wax soo saarka kor loogu qaado,

Waxay kaloo dawladu lacagtaas iskaga bixinaysaa shahoodooyinkii maal gashi ee siyaasadii hore ku amaahatay dawladu taasina waxay keenaysaa in dawladii dadkii lacagtii u celisay iyagana lacagtaasi mashaariic kale ayay gashanaayaan sidaas ayuuna wax soo saarkii kor ugu kacayaa, mar labaad ayna badanaysaa alaabta dibada loo dhoofiyo lacagta wadankana u adkaanaysaa, siyaasadaasna dawaladaha waxaa kala taliya hayada Lacagta aduuunka (International Monetary Fund), ceebta ugu way ee ay siyaasadaasi leedahay wa hadii ay dawladu xakamayn waydo lacagtaasi ama gacan aan nadiif ahayn ku dhacdo ama ay keento waxa loo yaqaano sicir barar (Inflation)

Conclusion (gabagabo).

Maqaalkan gaaban ee aan akhristayaasha sharafta leh ugu soo bandhignay Siyaasada dhaqan dhaqaale ee dawaladi raacdo, waxaa noo soo baxay laba xaalo, hadii ay dawaladu raacdo siyaasada hore ee fiscal policy, waxay faa,iido toos ah u leedahay inay so af jarto shaqo la,aantii waxayna abuuraysaa hor u mar dhaqale oo wayn waayo mashaariicdaas la abuurayo waxaa shaqo ka helaya dad aad u fara badan oo fadhi ku dirirka ayaa yaraanaya.

Siyaasada labaad Monetary Policy, waa siyaasad wanaagsan laakiin daabacaada lacagta oo badata waxay keeni kartaa inay lacagtii u gacan gasho dad aan nadiif ahayn ama in si xun loo maamulo oo ay keento sicir barar noloshiina sii xumayso.

Ugu danbayn xikmad waangsan iyo siyaaso suuban ayaa bulsho lagu hor marin karaa, waxaa la gudboon dadka cilmiga leh iyo dadka khibrada leh meeshay dooni ha ahaatee intay dooni ha la ekaatee inay dadkooda iyo dawladooda iyo mamulkooda uga faa,iideeyaan.

nagala soo xariir

info@jubalandchamber.com

fatule