DHIIRI GELINTA WARSHADAHA YAR YARKA AH

untitled

Dhiiri gelinta warshadaha yar  yarka ah iyo birmaasha reer jubaland ayaa kaalinta koobaad ugu jirta himilada rugta ganacsiga iyo warshadaha jubaland (jcci) 2017

Si loo tayeeyo, isla markaasina loo hiigsado harumarka Warshadaha iyo wax soo saarka dalka, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland (JCCI), Waxay Dhiiri gelinayaa iskaashatooyinka Birmaalka, Warshadaha yar yarka ah ee dalka iyo cid kasta oo ku howlan arrimahasi, ayadoo la kaashanaysa, dowlad goboleedka Jubaland iyo Dowlada  Federaalka Soomaaliyeed hay’adaheeda ku shaqada leh, Xoogsatada iyo Hantiileyaasha Soomaaliyeed. Waxaa soconaya diiwaan gelinta iyo aruurinta warshadaha yar yar ee Hadda dalka ka jira, Xoogsatada Birmaalka reer Jubaland  oo ah bulsho wax soo saar warshadeed wanaagsan la imaan karta, marka loo helo warshado iyo hab ka casrisan qalabka iminka ay ku shaqeeyaan.

ambad55

  1. Sidoo kale, waxaa la qorsheynayaa barnaamijyo wacyi gelin ah oo bulshada reer Jubaland lagu hagayo ka faa’iideysiga warshadaha dalkeena, ayadoo la adeegsanayo laguna wacyi gelinayo warbaahinta iyo , kulamo, tababaro ka fool ka fool ah iwm.
  2. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland (JCCI) Waxay hiigsanayaa in 2025 Jubaland  warshado ka baahi tira alaabaha dibada uga yimaada ay si rasmi ah u shaqeeyaan.
  3. Sidoo kale, Waxay JCCI  Hiigsanaysaa in Alaabo lagu sameeyay dalka gudahiisa (MADE IN SOMALIA) lagu arko suuqyada Caalamka, taasoo dhaqaalaha dalka sare u qaadeysa .

untitled-2

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland (JCCI)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *